Wednesday, May 8, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Farmaajo & Madax kale oo lagu casuumay Shir ka dhacaaya Turkiga

Farmaajo & Madax kale oo lagu casuumay Shir ka dhacaaya Turkiga

Shirweynihii 3-aad ee Madaxweynaha dalka Turkiga iyo kuwo ka socda dalal Afrikaan ah ayaa la filayaa inuu berrito ka furmo magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Kulankaasi oo socon doona muddo laba maalin ah waxay Madaxda dalalkaasi kaga hadli doonaan Arrimaha Siyaasadda, Ammaanka, Iskaashiga, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Milliteriga.

13 Madaxweynayaal Afrikaan ah ayaa xaqiijiyey inay ka qeyb geli doonaan Shirkaasi oo ah Shirweynihii 3-aad ee ay Madaxweynayaasha Turkiga iyo Afrikaanka yeeshaan.

Wafuud ka kala socota 39 Waddan ayaa lagu casuumay Shirkaasi oo ku soo beegmay, xilli aad loo iibsanayo Diyaaradaha Droneska Hubeysan ee Turkiga lagu farsameeyo.

Madaxtooyada Turkiga ayaa fidisay Casuumadda Shirkaasi oo ka dhici doono Xarunta Shirarka ee Istanbul Congress Center.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa la filayaa inuu Khudbad ka jeediyo Kulan Madaxeedkaasi, iyadoo Turkiga u ololeynayso in Suuq loo helo Diyaaradaha Darooniska iyo Qalabka Milliteri ee ay Shirkadaha Turkiga sida xawliga ah u soo saaran.

Bishii October ee la soo dhaafay, Madaxweyne Erdogan waxa uu tilmaamay inay Dowladaha Afrika danaynayaan inay iibsadaan Darooniska Turkiga ee Baykar.

Wargeyska Daily Sabax ee ka soo baxa Turkiga waxa uu qoray in Dufcadii u horeysay ee Diyaaradaha Darooniska Hubeysan loo daabuli bishii September dalalka Somalia, Morocco iyo Tunisia oo ay Turkiga ku leeyihiin Saldhigyo Milliteri (Ankara already has a military base in Somalia, and Morocco and Tunisia).

Bishii August ee sanadkan, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed Ali oo booqday Turkiga waxa uu saxiixay Heshiis uu ku iibsaday Darooniska Turkiga ee laga daba dhacay, iyadoo Diyaaradahaasi loo adeegsaday Hawlgalka dagaal ee lagula jiro Dagaalamayaasha Kooxda Tigrayga ee TPLF.

Saxafiyad Hana ismaacil

RELATED ARTICLES

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Ubax Dhigay Taalada Daljirka-Dahsoon

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo  xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada...

Howlgal Isbaarooyin Lagu Qaaday Oo Laga Fuliyay Wadada Isku Xirta Magaalada Iyo Cadale

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka gaar ahaan guutada 4-aad qeybta 27-aad ayaa howlgalo ballaaran oo lagu qaadayey Jidgooyooyin ay burcad dhigtaan ka sameeyay wadada dhinaca...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shaaciyay nooca Xukuumadda uu soo dhisi doono

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen aqoonyahanno wax ku soo bartay dalka Malaysia...