H I B A D A S U U G A A N T A I Y O H E E S A H A J A Y L A A N I
Cabdirisaaq Xaamud Jaylaani waa qaryaan iyo qarreenka mucaashaqiinta. In hibada suugaantiisu meeqaam sare joogto waxa caddeyn buuxda kuugu fillan heesta Qushuuc oo muddo aan dheerayn soo baxday taas oo badda ay ka tirsan tahay garashadeedu dawakh ku riday dadyowga suugaanta u dhuunta daloola, qofkasta oo daawadaana dhex muquuranayo maayaddo kalgacal.
Gibil inagama saarna in heesaha darreenka iyo qiiradu ku ladhan yihiin, ee Abwaan Jaylaani curiyay qalbiyo badan lagu dhayo dad badana xasuuso ugu duugan yihiin. Sameynta laxamo laabqaad ahani waa hibo kale oo u wehelisa curinta suugaan ashqaraarka ah.
Uma socdo in aan idinku qarqiyo bad-weynta suugaanta ah ee Jaylaani, ama idinku hafiyo heesaha mawjadaha badda ka badan, ee uu alifay Abwaanku, sidoo kale uma gol lihi in aan halkan ku lafo guro taariikhda Cabdirisaaq Xaamud, balse waxa aan idinla wadaagi doona qaar ka mid ah heesaha uu qalinka u qaatay Abwaan Jaylaani, kuwaas oo ay luuqdooda halaasiga ah ku qaadaan hobollada milaygan la joogo sidda dayaxa u nuuriya fanka somalida, isku soo wada duuboo aan idiin ogollaado in aad ku nagaaddaan qaybka mida heesaha uu alifay Jaylaani si aad farxashanimadooda suugaaneed, iyo murtida ay xambaarsan yihiin ba u dhuuxdaan.
1] Qof ba waa qofkiisee qofkaygu waa qaali
Qudhba waa qudheedee qudhiisu igu
qanacsan
Iga muu qasaarine dookhu qofsan ii xul
Codka: Dannan
2] Waloow aanu baran bogaan samir ku idhi
Waloow baahidii beerka wali ka tirin
Waloow aan bartii damqashadu ka bi,in
Codka: Nimcaan Hillaac
3] Hel intaad is leedahay ruux aan warkaa heyn
Hurdo seeg intaad tahay sida xiid habeenkii
Ilmo hibiq tidhaahdiyo waayi maysid hadime
Codka: Hodan Cabdirahmaan
4] Rajada noloshiyo naftaay
Raaxada dunidiyo hankaay
Deeq uu rabi igu sharfaay
Raaliyo dumar oon jeclaay
Midaan raga dheerahaay
Marwada reerkiyo raxmaay
Codka: Lafoole
5] Jacaylkii qabyoobayoow
Nasiib qadar baajiyoow
Qiimad ku lahayd agtayda
Xasuus igu qaaliyaay
Qiimad ku lahayd agtayda
Codka: Nimcaan Hillaac
6] Bestaa ma hadaad u tahay
Naftaan shalay kuu baryaayay
Badanka kaa jaray mar hore
Bal arag baaxad soorihiisa
Ruuxaad u bogtoon ku baanan
Codka: Maxamed Cirro
7] Afkaygoow qolo ma tihid
Qabiil iyo reer ma tihid
Qof gaar kuu lihi ma jiro
Aduunkiyo qaaradaha
Astaan baad qoom u tahay
Qiimaha soomaalinimo
Ayaad quwadiisa tahay
Codadka: Xidigaha Geeska
8] Naafada caashaqee aduunka
Ma tahay midka mida naftaadu.
Codka: Mursal Muuse
9] Inkastoo barbaartiyo
Kala baxdo gayaankaa
Inkastoo bu’daadiyo
Aragaagu bilan yahay
Inkastood u baaqdood
Bartuu joogo jeceshahay
Qof aan boqorku kuu qorin
Nolol kuma bahowdaan.
Codka: Asma Saban
10] Nafyahay caashaqu ka gaday
Qofkale caqligeediyeey
Xasuus ku casuumanee
Cidlada wehel moodaysaay
Waxaan kugu idhi ha caban
ilmada cesho baan ku idhi
Laabtana culey baan ku idhi
Caawana tasho baan ku idhi
Codka: Maxamed Bk
11] Hiddiyo dhaqan baa asluub leh
Adaa haystoo wanaag leh
Muuq iyo qurux baa haldhaa ah
Adaa helay oo ilwaad leh
Codka: Cabdirisaaq Anshax
12] Sidda uu wadnuhu
Wehelkaaga rabo
Wal wal iiga dhawr
Waxyeeliyo anaan
Wal wal kula rabine
Adna wada jirkiyo
haka tagin wanaag
Codadka: Y-Geenyo iyo N-Hillaac
13] Kaskiyo kaa saaray maanka
Kalgacal hanku kuuma qabo
Kaydkii kuma lihid qalbiga
Codka: Maxamed Bk
14] Naf wanaagsaneey
Lama waarayeee
Hadii aan wad iman
Waayahaad qabtiyo
Wakhtigan adagi
Wuu ku dhaafayaa
Waasan oo baryiyo
Maalmihii wacnaa
Waysoo socdaan
Codka: Cabdirisaaq Anshax
15] Dhawaaqiyo yeedhmadaada
Ruuxii dhaadee maqlaaya
Ayaa lagu dhiiradaaye
Qofkii xun arag ku dhaaf
Codka: Asma love
16] Tacab waano liyo
Tusaaliyo wax sheeg
Tusmaan kale rabee
Adigoon talamin
Qalbi taws qaboow
Tabashada yaree
Codka: Xariir Axmed
17] Kalsoonida hankiyo
Kashayda ruux hantiyay
Nafta waa u kaliy
Qof i kaafiyoo
I gashaday kalgacal
Lama simo kufkii
Codadka: Dannan iyo Ayanna
18] Qof aad u jeclayd si dhaba
Dhib iyo dheef qaybsateen
Dhankiisa hadii aad wayso
Waxaa kugu dhaca nugayl
Codka: Bk
19] Cindiga lahashadu hagtee
Canaadka mutoow
Wadnaha cashada qabee
Catowka batoow
Jacaylka cadow igu noqdiyo
Waayaha i cabiidiyoow
Codka: Maxamed Cirro
20] Been weeye kaama leexan
Been weeye imaad lugoynin
Sidii baad nafta iila leedahay
Sidii baad u lushaa qalbiga
Codka: Asma Love
21] Hadaan cabashada naftaada
Dawiyo cashar siin lahaa
Colkan dhabarkaaga taagan
Sideen kaaga cuudiyaa
Cilmiga ay kuu dhigeeen
Codka: Barwaaqo Qalanjo
22] Kumaan baran nitaaqiyo
Nafta inaad wax yeeshood
Ana nolosha kuu huro
Kumaan odhan i niyad jabi
Codka: Yurub Geenyo
23] Xog baan ku hayaa catowgii
Inuu carab kaagu daayay
Xog baan ku hayaa cishqigu
Inaanu qalbigaagii ciilin
Xog baan ku hayaa culayskii
Casiis inuu ka dul qaaday
Cidliyo mugdigii ku haystay
Cadiyo maalin baa badalee
Cidliyo mugdigii ku haystay
Cadiyo rabaa kuu baxee
Ka waran nolosha cusbayd?
Codka: Maxamed Cirro
FG:- Halkan kuma dhama heesaha Abwaanku.
#Ismail Daauuz