Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay xaalada gobalka Marib ee dalka Yemen.
Gobolka oo 120 km dhanka bari ka xigta caasimada Sanca ayaa ayaa maalmihii lasoo dhaafay dagaalo xoogleh ku dhexmareen ciidamada taageersan Dowlada iyo Kooxda Xuuthiyiinta.
Gobalka oo ah mid qani ku ah shidaalka ayaa waxaa duulaan Ballaadhan ku qaaday maalmihii lasoo dhaafay xoogaga Xuuthiyiinta oo doonaya inay gobalkaasi kala wareegaan ciidamada gacanta ku hayey oo taageersan Dowlada Yemen.
Wararka ayaa sheegaya in Dad Tiro badan Oo Ku dhaw ilaa 2 milyan oo qof Ay ku Xanibanyihiin Gobolkaasi.
By:Jimcale ismail