Madaxweyne Joe Biden iyo dhigiisa Israel ee Xilka ka sii degayo, Reufen Riflin ayaa la filayaa inay Kulankoodii u horeeyey ku yeeshaan Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.
Afhayeenadda Aqalkaasi, Jen Pesaki oo soo saartay Hadal-qoraal ayey ku sheegtay inay Labada Hoggaamiye bishan June 28-da ku kulmi doonaan Washington.
Booqashada Madaxweynaa Israel waxaa diirada lagu saari doonaa Iskaashiga labada dhinac iyo xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya iyo Dhacdooyinkii u dambeeyey ee Mandiqada Bariga Dhexe, Dirirta Israel iyo Falastiin iyo Barnaamijka Nukliyeerka iyo Madaxweynaha La-doortay ee dalka Iran.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Israel, Reufen Riflin waxaa la filayaa inuu Madaxweynaha La-doortay ee Israel, Isaaq Herzog Xilka ku wareejiyo bisha soo socoto ee July.