Waa markii ugu horaysay ee somaliland laga qabto doorasho noocan oo kale ah, iyadoo hore doorashooyinka madaxtinimada, barlamaanka iyo degaanka ay ahaayeen doorashooyin midba iskeed loo qaban jiray.
Dadka codaynaya ayaa ka badan intii codayn jirtay doorashooyinkii hore, waxaana qof kastaaba xaq u leeyahay inuu u kala codeeeyo xildhibaanada ka kala sharaxan wakiilada iyo degaanka.
Doorashadan waxa kormeeraya wufuud ka socda beesha caalamka.
Kulayl badan ka jira degaanada xeebaha halkaas oo dadka codaynayaa ay aad ugu baahan yihiin biyo iyo sharaab, waxaanad la arkayaa xildhibaanada sharaxan oo goobaha codbixintu ka socoto u qaybinaya biyo iyo sharaab.