Hawlgal Guul Leh: Ciidanka DANAB oo La Wareegay Fariisimihii Al-Shabaab

Cutubyo ka tirsan Ururka 165-aad, Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab XDS ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaanno hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa fariisimo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen.

 

Howlgalladan oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaannada Koonfur Galbeed ayaa ciidamada si gaar ah uga sameeyeen aagag ay wararku sheegayaan in Al-Shabaab ay ka abaabuli jireen falal amni darro iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah shacabka deegaanka.

 

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn uu ahaa adkeynta amniga, ilaalinta shacabka iyo ka hortagga weerarro iyo falal amni darro oo Al-Shabaab ay ka qorsheynayeen deegaannada hoostaga Buurhakaba.

 

Inta uu howlgalka socday ayaa ciidamada Kumaandooska Danab waxay sameeyeen baaritaanno iyo howlgallo lagu xaqiijinayey amniga, iyadoo la burburiyey fariisimo ay kooxdaasi ku lahayd deegaanka. Saraakiishu ma aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka, balse waxay tilmaameen in uu si guul leh ku soo dhammaaday.

 

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyey howlgallada ay ciidamada ka wadaan gobolka, iyagoo muujiyey baahida loo qabo in la xoojiyo amniga si shacabka ay ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top