Magaalada Eldoret ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay dhacdooyin qalqal amni abuuray kadib markii mudaaharaadyo waaweyn ay ka dhaceen qaybo kamid ah dalka, kuwaas oo looga soo horjeeday sare u kaca qiimaha shidaalka iyo xaaladda dhaqaale ee sii adkaanaysa.
Wararka laga helayo Eldoret ayaa sheegaya in maqaayad ay Soomaali leedahay ay weerar culus kala kulantay kooxo mudaaharaadayaal ah. Dadka mudaaharaadayay ayaa marka hore dhagaxyo ku weeraray maqaayadda, iyagoo jabiyay muraayadaha iyo qeybaha hore ee dhismaha.
Kadib weerarkaasi, kooxahaasi ayaa gudaha u galay maqaayadda, halkaas oo ay ka geysteen bililiqo baahsan. Goobjoogayaal ayaa sheegay in alaabooyin badan iyo qalabkii ganacsiga la qaatay, iyadoo sidoo kale la burburiyay qeyb kamid ah hantidii taalay goobta.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray milkiilayaasha maqaayadda, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya inuu jiro burbur iyo khasaare dhaqaale oo weyn.
Busia: Tuukamo Soomaali Ah Oo La Jabsaday
Dhanka kale, magaalada Busia oo ku taalla xuduudda u dhaxeysa Kenya iyo Uganda ayaa sidoo kale laga soo sheegay falal bililiqo iyo jabsasho ah oo lala beegsaday ganacsato Soomaali ah.
