Duqeyn Culus oo Lagu Khaarijiyay Horjoogayaal Al-Shabaab ah & Dowladda oo War Kasoo Saartay

Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in howlgalallo qorsheysan oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw ee gobolka Hiiraan lagu dilay 26 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

NISA ayaa sheegtay in howlgalka ka dhacay nawaaxiga degmada Maxaas lagu dilay 14 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan, isla markaana lagu burburiyay teendhooyin iyo fariisimo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay abaabulka iyo dhaqdhaqaaqyada militari.

 

Sidoo kale, howlgal ka dhacay deegaanka Mukayle ayaa lagu dilay 9 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge lagu magacaabo Sadaam, halka 16 kale lagu dhaawacay sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

 

Dhanka kale, howlgalka saddexaad ee ka dhacay deegaanka Shaw ayaa lagu burburiyay xarumo lagu keydin jiray hubka iyo gaari ay isticmaali jireen maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo halkaasi lagu dilay saddex xubnood oo kooxda ka tirsanaa.

 

NISA ma soo bandhigin sawirada xubnaha ay sheegtay in la dilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top