Saturday, May 11, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Wasiir Ka Tirsan Xukumada Somaaliya Oo Booqasho Ku Jooga Ciraaq

Wasiir Ka Tirsan Xukumada Somaaliya Oo Booqasho Ku Jooga Ciraaq

Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha Soomaaliya, Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa gaaraya magaalada Baghdad ee caasimada dalka Ciraaq.

Wasiir ayaa hogaaminayay wafdi balaadhan, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee caasimada, ayada oo uu ku soo dhaweeyay dhigiisa Wasiirka Biyaha dalka Ciraaq, Eng. Mahdi Rashid Al-Hamdani.

Socdaalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa imanaya kadib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Dhigiisa dalka Ciraaq, Al-Hamdani.

Wasiirka ayaa ka qeyb-galaya shirkii 1-aad ee Biyaha caalamiga ah ee BaKhdad oo ka furmaya isla caasimada dalka Ciraaq, wuxuuna ku meteli doona Soomaaliya.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ee uu horkacayo Wasiir Xasan Cabdinuur ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda dalka Ciraaq, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya iskaashiga dhanka labada dowladood, gaar ahaan Maareynta kheyraadka biyaha.

RELATED ARTICLES

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Ubax Dhigay Taalada Daljirka-Dahsoon

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo  xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada...

Howlgal Isbaarooyin Lagu Qaaday Oo Laga Fuliyay Wadada Isku Xirta Magaalada Iyo Cadale

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka gaar ahaan guutada 4-aad qeybta 27-aad ayaa howlgalo ballaaran oo lagu qaadayey Jidgooyooyin ay burcad dhigtaan ka sameeyay wadada dhinaca...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shaaciyay nooca Xukuumadda uu soo dhisi doono

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen aqoonyahanno wax ku soo bartay dalka Malaysia...